(Daawo) MW Farmajo oo amray in Baaritaan lagu sameeyo Wasiir Beyle xirayna qasnadda dowladda

Reading Time: < 1 minute

Tan iyo markii baarlamaanka codka kalsoonida kala noqday RW Xasan Cali Kheyre waxaa amar adag uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo oo amrayay in qasnada dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyada lagala bixi karin wax lacag ah, amarkaasi oo uu fuliyay wasiirka maaliyada C/raxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa amarkaasi sidoo kale sii adkeeyay maanta sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tegay xarunta wasaaradda Maaliyada, kuna adkeeyay wasiir Beyle in wax qarash ah aan lagala bixi karin qasnada wasaaradda maaliyada ilaa amar danbe.

Mahdi Guuleed ayaa kulan wada jir ah la qaatay wasiirka maaliyadda, kuxigeenadiisa, agaasimayaasha iyo howlwadeenada wasaaradda maaliyada, isagoona ku wargeliyay amarka kasoo baxay madaxweynaha ee xayiraada qasnada dowladda.

MW Farmajo ayaana marnaba ku kalsooneyn Wasiir Beyle oo uu arko shaqsi musuq badan isla markaana ku takri falay hantidii dowladda, iyadoo baaritaan uu sameeyay xafiiska Hantidhowrka lagu ogaaday in uu guri 6 dabaq ah ka dhistay magaalada Hargeysa, kaasoo la sheegay in ay ku baxday adduun dhan $12 Milyan oo doollar.

Dhaqan ahaan dowladdaha Somalia soo maray mar walba oo xukunka laga qaado ra’iisul wasaare ama guddoon baarlamaan iyo xiliyada kala guurka waxaa dhacda in xanibaad la saaro qasnadaha dowladda.