DAAWO: Muxuu Gudoomiye Jawaari Ka Yiri Dhibaatada Maanta Xukuumada Ay Kula Kacday Xildhibaanada Baarlamaanka

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay u diideen in galaan xarunta.

Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug.

Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!