(Daawo) Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyay Billad Sharafta ugu sarreysa ee Jamhuuriyadda Jabuuti bixiso

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa caawa ka qeybgalay casho sharaf si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxwaynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.