(Daawo) Madaale oo Aqbalay Fashilkiisa (Madaalow Is Casil Xamar Ha la Badbaadiyee).

Reading Time: < 1 minute

Mar uu  hadlayey  maanta Yusuf Madaale , gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimaddann dhibann ayaa waxaa uu si dedban u qirtay inuu maamulkiisa ku fashilmay ka hortagga iyo waxka qabashada dhibaatooyinka caasimadda oo aysan jirin habeen qof Somali ah wax lagu yeelin hadda.Hadalkaan oo yimid kabib markii ay shacbiga soo kartay uu leeyahay waa laga daba tagayaa.

Gudoomiye Siinaay kow maahaa  ee Siinaayo badan ayaa soo dhacay, dilka bajaajleyda kow iyo laba maaha ee waa tira beel marka xanuunka uu maanta dareemayo ee uusan dareemin intii uu xilka hayey waa qiiq isku qaris iyo hadal aan gar ku ahayn dadkii dadkooda la laayey lana dhibaateeyey.

Inta badan madaxdeenna waxaa ka maqan isbadalka maxaa loo sameeyaa ma nin jecleysi masa in la dhaliilay hawsha uu masuulkii kaa horayey hayey,  loona baahan yahay dhiig cusub oo dardar geliya hawshaas.

Madaale dadaalkiisa intaas kama badnaan karo qofkana laguma eedo wax aqoonteeda ka badan waayo maba yaqaanno,  waa oday ku fiican oday-dhaqameednimadiisa oo ku amaanan laakiin waxba kama yaqaanno sida magaalo casri ah loo maamulo.

Sidaas darted,  haddii uu magaaladan  ka naxayo Yusuf Mądaale madaxdii keentayna uu Sharaf u hayo marada ha u celiyo oo ha is casilo xilkaanna mid uu ka bixi karo haku badasho haddii hawsha u uku fiican yahay ee oday dhaqameed magaalada lafteed a wax ugu qabto, maamulkana ha daayo.

Madaalow is casil Xamar ha la badbaadiyee