[Daawo] Kullane Jiis oo afduubtay gabar diiday in uu guur dhexmaro

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL aay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ikran Tahliil oo ka shaqeyneysay hay’adda NISA uu afduubtay Kullane Jiis Mariixaan kaddib markii aay diiday guur uu u soo bandhigay.

Sida MOL aay xogta ku heshay, Ikraan oo hay’adda uu keenay Agaasimihii hore NISA Cabdullah Sanbalooshe ayaa waxaa uu xiriir dhex maray Cabdullaahi Kullane (Jiis Mariixaan) taasoo markii danbe uu Kullane uu Ikran iyo walaalaheed uu geeyay dalka Turkiga.

Waxaa xumaaday xiriirka Kullane iyo Ikraan waxayna diiday guur uu u soo bandhigay Kullane Jiis sida MOL loo sheegay.

Maalmo kaddib ayaa xogta aay sheegeysaa in Gaari Brada ah oo uu watay darawalka Kullane Jiis aay Ikraan ka raacday meel u dhow xarunta NISA sida laga arkay Kaamirada CCTVga hotelka Dorbin, marka dib waxaa lasii dabagalay CCTV Cameroyinka kasoo bilowda Hotel Royal Palace,hotel Dorbin, wada wasaradda isgaarsiinta ilaa Godka Jilicow laga galiyay ka Dibna fiidkii danbe gaari Ambulance NISA ah uu galay Xarunta Godka Jilicow kadibna kasoo baxay isagoo la waardiyaynayo, waxa yaabka leh gaariga Ambulance ah ma aadin isbitalka ee wuxuu aaday degmada Kaaraan bannaankeeda, taasoo lagu macneyn karo in uu Ambalasada siday meyd lasoo tuurayo ama la fogaynayo, sida masuul ka tirsan hay’adaha amniga uu MOL u xaqiijiyay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!