DAAWO: Kheeyre & Farmaajo oo Dhalinyaradii ay u direen Eretria oo qeeyb ka ah Dagaalka ka Socda Gobolka Tigrey-ga

Reading Time: < 1 minute

Dagaal Culus ayaa dib uga qarxay Dalka Ethiopia kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka dalkaas iyo Jabhada TPLF taas oo dooneeysa in ay difaacdo gobolka Tigray-ga oo Awood ciidan looga saaray ka dib markii Sedaxda Dal  ee Somalia, Ethiopia & Eretria ay ku qaaden Weerar Culus

Xog hore oo la baahiyay ayaa sheegeeysay in Dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo qaaday Dalka Eretria ay ku geeryoodeen Dalkaasi inkastoo dalalka  Somalia, Ethiopia & Eretria  ay dafireen iyagoo  been u abuur ku tilmaamay wararkaasi sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Somalia Dubbe.

Baaritaan ay sameeysay MOL ayeey ku ogaatay in Dagaalka dib uga qarxay Haatan dalka Ethiopia in ay qeeyb ka qaadanayaan Ciidamadii Soomaaliyeed ee Tababarka loo qaaday waxaana ay ka dagaalamayaan xadka & wadaagaan Tigray-ga  iyo Eretria

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre ayaa u diray Tababarka dhalinyaradaasi kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay beecsadeen