DAAWO; Hooyo Somaliyed oo si arxandaro ah loogu hor dilay 2-Wiil oo la hadashay Dowladda UK

Reading Time: < 1 minute

Labo Wiil Soomaaliyeed ayaa si arxandaro ah Toorey loogu dilay dalka Ingiriiska caasimadiisa London,waxaana dilkaasi uu argagax ku beeray Bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Hooyo Seynab Cabdi oo ah Hooyada Dashay Wiilasha la dilay ayaa sheegtay in Horteeda ay ku weysay Labadeeda Wiil oo ay ifka ugu jecleyd,islamarkaana si isku mid ah loo dilay.

Waxay sheegtay in Dowladda Ingiriiska wali aysan wax hadal ka soo saarin dilka Wiilasheeda,islamarkaana caddaalada la horkeedin cidii dishay.

Hooyo Seynab oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dilalka Soomaalida loo geysanayo ay ku sii badanayaan sababo la xiriira Bulshada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska gaar ahaan kuw ku nool London oo aan isku xirneyn.

Halkaan Hoose Ka Daawo: