[DAAWO] Hooyada Ikraan Tahliil oo ka hortimid Guddiga uu magacaabay Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax, marwo Qaali Maxamuud Guhaad oo wareysi bixisay ayaa sheegtay in ay tahay wax lala yaabo in Madaxweynihii uu weli daba taagan yahay in uu qariyo in aay gabadheyda caddaalad hesho, Marwo Qaali ayaa sheegtay “Aniga iyo Soomaali Madaxweyne uma ah Farmaajo”

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli isku dayaya in kiiska Ikraan aan caddaaladda la horgeeyo wuxuuna horey ugu soo fashilmay in kiiska uu ku daboolo dhaqaale isagoo sheegay in uu bixinaayo diyada Ikraan, balse Aabaha dhalay Ikraan Dr. Tahlii Faarax oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in “Dhiigga gabadhiisa aanu dhaqaale ku bedelaneynin’ Balse Ikraan waxay u baahan tahay in aay hesho caddaalad” Ayuu ku sheegay wareysigiisa.

Halka hoose ka daawo Hooyada Ikraan oo ka hadashay guddiga uu Farmaajo magacaabay.