[Daawo] Garbahaareey oo la shaaciyay in aanay Doorasho ka dhaceyn

Reading Time: < 1 minute

Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta golaha fulinta iyo kan Baarlamaanka Dowlada Jubbaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa lagu shaaciyey suurta galnimada doorasho ka dhacda deegaan doorashada 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland iyo caqabadaha hor taagan.

Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa sheegay in doorasho in aysan ka dhicin Karin magaalada Garbahaarey, maadaama halkaasi ciidamo ka tirsan NISA oo aan ka amar qaadaan maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa NISA lagu eedeeyay inay Gobolka Gedo ka abuureen siina huriyeen xaalad amni daro oo horseedi karta gacan ka hadal hubeysan oo dhex mara beelaha wadaaga kuraasta matalaada, ayna is abaabuleen isna hubeeyeen sideed beelood oo ku sugan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

Halka hoose ka daawo