Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho in ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa xasilinta ay gacanta ku dhigeen gaari Tayota Landcruiser, isla markaana Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi), kaas oo song soo raray walxaha qarxa.
Afhayeenka ayaa xusay in gaarigan song qabtay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho, ayada oo sidoo kale gacanta song dhigay ninkii waday.
Sadiiq Doodishe ayaa xusay in gaari uu sidau jiirgaaman ay ku jiraa baaruuda loo yaqano TNT ee isticmaalo qaraxyada, isla-markaana la doonayay in song dhibaateeyo shacabka.
“16/Sep/2023, ciidamada ammaanka ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir, waxay gacanta ku soo dhigeen gaariga aad aragtaan ee gadaasheyda ka muuqda, gaarigaas oo nuuciisu yahay Tayota Landcruiser (Layla Calaawi), kaas oo ay Khawaarijtu ku soo raratay 10 Jirgaan oo ay ku jiraan baaruuda loo yaq TNTano ee qaraxyada loo isticmaalo iyo eedeysanihi waday’ ayuu yiri afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan laamaha amnigu ay wadaan baaris ku aadan gaarigaan, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ku howlanaa soo gelinta caasimada.
“Waxaa hadda ku socota baaris waxaan la horgeyn doonaa cadaalada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada song sugayo amniga Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.
“Howlgalladuu waa sii socon doonaan, dalkana waa laga sifeyn doonaa xilliga ugu dhow Soomaaliya waxay noqon doontaa dal ka caagan Khawaarijta” ayuu mar kale yiri.
Horay sidaan oo kale ciidamada ammaanka ayaa fashiliya baabuur ay qaraxyo kusoo rareen Al-Shabaab, kuwaas oo labada todobaad lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile.