Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta Musharixiinta laga waayey jawaab waawaantii uu ugu jiray xal u helidda tabashooyinkii Doorashada, sidaasina loo go’aansaday inaan waqti la lumin.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ku shaaciyey in Doorasho la aadayo oo aan waqti kale la lumin doonin, ayuu sheegay in wadahadalkii uu Garowe kula yeeshay Madaxweynayaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo sidoo kale siyaasiyiinta mushariixinta uu kasoo qaaday saddex qodob oo uu kula soo laabtay Madaxda Dowladda Federaalka.
Qoorqoor ayaa caddeeyay in ujeedkiisu ahaa inuusan heshiiska Doorashada ee 17-kii September meel cidlo ah ku dhammaan, kadibna go’aankii Madaxda Federaalka uu dib ugu celiyey Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta, basle uu ka waayey wax jawaab ah, taasoo keentay in la qaato go’aan doorasho lagu aadayo.
“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in weli aysan wax jawaab ah kasoo noqon Madaxda Puntland, Jubbaland iy siyaasiyiinta kale ee dhexdheaadinta aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsaneyd iyo tanaasulkii ay muujiyeen madaxda Qaranka.. Dowlad Goboleedyada Galmudug waxay sameysay intii karaankeeda ah sidii dalkan lagu gaarsiin lahaa hannaan Doorasho oo heshiis lagu yahay.. waqti kalena aan laga lumin dalka..” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Axmed Qoorqoor ayaa madaxda dowladda Federaalka la qaatay in Doorashada hore loogu socdo oo laga gudbo khilaafkii Doorashada ka taagnaa.