[Daawo] Fahad oo diiday in xilka laga qaado & Rooble oo 48 saac ka codsaday xog dhameystiran

Reading Time: < 1 minute

RW Rooble oo markii ugu horreeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in aanan lagu qanci karin warbixinta aay soo saartay hay’adda NISA ee sheegeysay in Ikraan aay dileen kooxda Shabaab oo maalintii shalay ahayd beeniyay in aay ku lug lahaayeen dilka Ikraan Tahliil Faarax.

MOL ayaa waxaa loo sheegay in. Rooble uu ka dalbaday Fahad Yasin in uu soo gudbiyo warqadda is casilaadiisa balse uu arrintaas ka biyo diiday Fahad Yasin oo dalka dibadda uga maqan. Sida MOL loo xaqiijiyay Fahad Yasin ayaa ku sugan dalka Pakistan oo uu dhaqaale Doorashada uga raadinaayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa lama filaan ku noqotay shacabka Soomaaliyeed oo ka war sugayay Rooble in uu maanta u sheego in uu faray NISA in 48 saac uu ka sugaayo xog sugan sida aay u dhimatay Ikraan Tahliil.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!