(DAAWO) Doorashada oo dib u dhacday iyo 6 qodob iyo waqtiga cusub ee dhameystirka doorashada oo la shaaciyay

Reading Time: < 1 minute

Golaha Wadatashiga Qaranka, oo caawa ZOOM ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka, ayaa soo saaray 6 qodob oo ay ka mid tahay waqtiga cusub ee lasoo geba-gebeynayo doorashada oo ah 15-ka Maarso.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa 24-ka Febraayo, 2022 habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka BFS, maadaama waqtigii horay loogu heshiiyey in lagu dhameystiro doorashooyinka ku eg yahay 25ka Feberaayo 2022.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Kulanka ayay Golaha Wadatashiga Qaranku uga hadleen ajandeyaal ay ka mid yihiin: Xaaladda doorashada, Muddeynta soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, xal u helista arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarrey iyo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan.

Golaha ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo ilaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Golaha Aqalka Sare iyo 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal.