(Daawo) Dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday Gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag, Waxa saaka deggan xaaladda degaanka Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag halkaasi oo ay shalay ku dagaallameen laba malayshiya-beeleed. Dagaalka u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday laba Ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaallamay ka tirsanaa.

Warbaahinta Somaliland ayaa ku soo warramay in saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayo degaankaas balse ay weli is hor-fadhiyaan malayshiyaadkii dagaallamay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalkaas ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka labada dhinac islamarkaana labada dhinac ay wada-hadal isu’gu yimaadaan.

Halkaan ka daawo Video dagaalka oo hub culus la isweydaarisanayo:

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!