Ugaas Ali Ugaas oo mas’uuliyado kala duwan ka soo qabtay dowladihii isaga danbeeyay dalka Soomaaliyeed oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay magalaada London ayaa ka hadlay xaalada guud ee uu dalku marayo iyo dareenkii ka dhashay kulankii ay dhawaan beesha Mudulood ku yeelatay magalaada Muqadisho.
Ugaas oo ugu baaqay ummada Soomaaliyeed nabad iyo midnimo, ayaa sidoo kale uga digay Dowlada Farmaajo iyo kuwa la shaqaysta in ayan dalka dib ugu celin dagaal sokeeye oo keeni kara in lagu burburiyo dowladnimada yarta ah ee hada Soomaliya ku naaloonayso.
Ugaas oo ka ficil celinayay dhibaatooyin iyo jariimooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray Farmaajo.“ Maxaad u hadashay hadii ay joogto, hadal ku sinaan mayso” ayuu jiro Cali Ugaas.
Cali Ugaas ayaa ku daray “ ma aha in aad dulmi galno, laakiin in nalugu joogsado waa ay dhaamaatay”.
Cali Ugaas ayaa waxa uu ka mid yahay odoyaasha fara ku tiriska ah oo ay umada Soomaaliyeed karaamada iyo tixgalinta u hayso. Hadalka ka soo yeeray Cali Ugaas ayaa ah mid ka tarjumaya dareenka ay umadda Soomaaliyeed ka qabto dowlada Farmaajo oo bilaawday in ay caburiso shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan magalaada Muqadishu.
Waxaan shaki ku jirin in hadalka Cali Ugaas oo sii xoojin doona dareenka shacabka ku dhaqan magalaada Muqadishu oo ay dhamaatay dulqaadka, diyaarna u ah in ay difaacdaan qadiyadooda.
Halkaan ka daawo qudbadii Cali Ugaas ee London