Oday dhaqameed iyo maleeshiyaad ku abtirsada Beesha Mariixaan ayaa sheegay in aay dacwad ka yihiin Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug iyagoo sheegay in dagaal lagu soo qaaday.
Oday dhaqameed u hadlayay beesha ayaa sheegay in aay ka mid tirsan yihiin Itoobiya isla markaana qeylo dhaan u dirsaday ciidamada Federaalka Itoobiya, iyagoo sheegay in lagu soo weeraray Furinta Foore, waxayna sheegeen in cadow badan oo is baheystay aay soo weerareen degaanka.
“Waxaan dowladda sharafta leh ee Itoobiya iyo Kelinga ka codsaneynaa in nalaga soo gaaro arrintaana aay wax ka qabtaan” ayuu yiri nabadoon u hadlay beesha Mariixaan ee degta qeybo ka mid ah magaalada Balanballe.
Waxaa maleeshiyaad ka tirsan beesha Mariixaan aay maalintii Axadda ku xasuuqeen shacab bannaan magaalada Ballanbale iyagoo dilay dhalinyaro ka soo jeeda Gobolka Baay oo halkaas ka shaqeysanayay.
Halka Hoose ka daawo Qeylo dhaanta aay u dirsadeen Dowladda Itoobiya