(Daawo) Beelaha Ceyr & Mariixaan oo isaga baxay doorashada Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee beelaha Mariixaan & Ceyr ay isaga baxeen doorashada Galmudug iyagoo ka biyo diiday tirada xildhibaanada ee la siiyay Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Dowladda Federaalka ay isku dayeysa in la soo celiyo labada beelood balse isku day ay caawa sameeyeen ayeey Dowladda kala kulantay fashil.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isku dayay in uu xal u helo labada beelood aya waxa diiday odayaasha dhaqanka in ay la kulmaan.

Villa Somalia aya waxaa caawa ka jira isku dhex yaac xilli ay socoto qaban qaabada in uu MW Farmaajo booqasho ku tago magaalda Dhuusamareeb.

Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka reer Galmudug qaarkood ayaa waxa ay  ugu baaqeen in gebi ahaanba la isaga dhex baxo dowladda iyo ASWJ loona daayo in ay iyaga soo dhistaan Galmudug. Iyaga ayaa markii hore burburiyay haddana iyaga hadoo dhisteen ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha oo MOL la hadlay.