(Daawo) AMISOM & Ururka Midowga Afrika “Ma faragelin doono doorashada Jubbaland”

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta magaalada Kismaayo kulan uu ku dhex maray golaha amniga Jubbaland iyo madaxa howgalada AMISOM oo ay wehliyeen wakiilka ururka Midowga Afrika.

Kulanka aya looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka kooxda nabadiidka ah ee Shabab. Waxaa sidoo kale hoosta laga wada xariiqay in la adkeeyo amniga doorashada Jubbaland waxaana madaxa howlgalada AMISOM iyo madaxa midowga Afrika ay sheegeen in aanay marnaba soo faragashan doonin howlaha doorashooyinka Jubbaland, waxayna ballan qaadeen in ay ciidamda Booliska AMISOM ay gacan siin doonaan ciidanka amniga doorashooyinka Jubbaland.

Shirka markii uu soo dhamaaday aya waxaa saxaafadda u akhiriyay qodabadii ka soo baxay shirka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan.

Halka hoose ka daawo qodobadii ka soo baxay shirka.