(Daawo) Amb. Yamamoto oo fashilkiisa siyaasadeed ku qarinaya hanjabaadda Mucaaradka

Reading Time: < 1 minute

Safiirka Mareykanka ee Donald Yamomoto ayaa ka sheegay shirka SPF ee maanta in doorashada lagu qabto waqtigeeda, qofna uusan siduu rabo u qabsan karin, heshiiskii Muqdisho sida loogu heshiiyay loo fulinayo.

Waxaa uu tilmaamay in qofkii ay ku cadaato inuu wax ku dheelayo ay Mareykanku la xisaabtamayaan, sidoo kalena aan la abuurin doorashooyin is garab socda.

Yamamoto ayaa sheegqy Mareykanka uu ku bixiyay dadaal iyo qarash badan Soomaaliya, doorasho xummaatayna ay halis ku tahay in wixii horumar ah ee la gaaray ay daaqadda ka baxaan, Shabaabna ay xoogaystaan.