Daahinta Caddeymaha Casa di Italia ee Madaale Waa Sabata Ijaafeynta Qoyska kowaad.

Reading Time: 4 minutes

Waxaa beryahan baraha bulshada wareegaya ijaafo iyo aflagaadooyin eedo been ah oo daneysan la huwiyey oo lagu abbaaray qoyska kowaad ee Jamhuuriyadda oo xaq u leh inaan loo gafin haddii aysan muteysan.

Sideedaba dadka Somaliyeed waxaa ku dhacay dib u dhac dhinac walba iyo burbur dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo diinba, taasina waxay dhashay inay xeerarka iyo xuduudaha qaarna lumaan qaarna isku dhexyaacaan, lana kala gareyneyn Meesha uu xadkaaga ku eg yahay iyo Meesha uu ka bilowdo xadka qofka kale.

Aynu isla eegno eedda loo jeedinayey qoyska MW iyo waxa ka khaldan annaga oo caadifad ka madax bannaan Cabsi rabbina ay nagu jirto.

Haddallada dayaacadda ah ee maalmahan qoyska kowaad ee dalka hawada loo marimayey waxay ka mid tahay waxyaabaha u baahan inaan wax ka baranno. Qoyska haddey wadar ahaan ama qof ahaan dembi u leeyihiin waa sax in la sheego loona qabsado, laakiin waxyaabo aysan shaqo ku lahayn in lala aado iyadoo dano siyaasaded laga leeyahay waxaa aqoondarro, arrad garasho, diin yaraan iyo masuuliyad darro ciddii ay ahayd inay caddeyso saxnimada iyo been abuurka eedaha.

Wa dhacdada ku saabsan guriga Talyaaniga (Casa d’italia) ee loo yaqannoo kaasa Italiya oo ay dowladda talyaaniga leedahay dhul ahaan.

Dad ayaa burburkii ka dib degay oo waliba ganacsi macaash leh ka sameystay, markii loo sheegay in ciddii lahayd ay gurigaas rabto in loo banneeyo waxay keentay inay saxaafadda xorta ah diidmo dedban marsiiyaan  iyo in erayo aflagaaddo ah ay u soo jeediyaan qoyska madaxdweynaha.

Haddaba waxaan rabnaa inaan iftiiminno waxa ka dhalanaya falkaan iyo cidda ay tahay inay ka jawaabto arrintaan si ay tusaale ugu noqoto dadka Somaliyeed iyo dalka oo hadda sharciga ku soo noqonaya:

  1. Wajibaadka kowaad waa hay’adaha sharci fulinta ee gobolka Banadir sida Boliiska iyo Ciidanka Degaanka waxaa laga rabaa inay caddeeyaan inay mareen jidkii saxda ahaa sida ogeysiin dadka dhulka sharcidarrada ku deggan, u cadeyn muddada loo qabtay, inay ku banneeyaan markii ay mudada dhamaatana ay qaadan tallaabadii ay ku fulin lahaayeen amarkaas, waana sameeyeen sida muuqata.
  2. Saxaafadda waxaa laga rabaa inay mar waliba miisaamaan waxa ay tabinayaan inay miisaaman yihiin oo dhacdada laga dhex helo aragtida labada dhinac ee ay dhacdadu saameysay, kamana muuqan, waayo in qoyska madaxdweynaha Meesha la keeno ma ahayn in loo ogaalaado qofka wax tirsanaya haddaan iyagana cod la siineyn oo aan dhinacooda la dhageysaneyn. Haddey diidaan waa in la sheegaa inay diideen inay iska difaacaan laakiin hadalka sidiisa loo sii daayo waa gef sharciyeed oo xaq u siinaya qoyska madaxweynaha iyo xeer ilaalinta inay dacwad ku furaan qofka wax eedeeyey haddii uusan caddeyn hayn oo waa qadaf, saxaafaddana iyadoon hayn xogta labada dhinac ay inay baahiyeen aragti hal dhinac waa gef kale, waana sharuucda dalka lala aado labadan koox.
  3. Maamulka gobolka Baandir waa in lagula xisaabtamaa dukumenti ay ogyihiin inuu beri yeelilahaa qoyska koowaad ama cid kale sababta ay isaga haysteen oo aysan u soo bandhigin 48 saacadood muddo ku dhan oo madaxweynihii dalka iyo qoyskiisa la suurad xumeynayey iyadoo uu dalku ku jiro xaalad dagaal madaxdweynuhuna yahay taliyaha guud ee ciidamada. Arrinkaan maaha mid fudu ee waa in lagula xisaabtaa ciddii ka musulka ahayd xilkeedana ku weysaa haddii ala rabo hogaamin wanaagsan. Waayo waxaa kuu soo degdegeysa ma ujeeddo ayey ahayd misa waa go’aan xumo labaduna cawaaqib ayey yeelanayaan.

Maxaan ka baran karnaa?

  1. Saxaafadda waa inay mar waliba hubisaa waxa la dhex marsiinayo sharcinimadooda oo mar waliba la helaa aragtida labadada dhinac ee warka ama barnaamijka la sii deynayo. Ciddii jebisaana waa inay ku weysaa ruqsadda shaqada ay bulshada u hayso.
  2. Masuuliyiinta dalka, shacbiga iyo saxaafaddaba waa inay ilaaliyaan karaamada iyo sharafta madaxda dalka si aan loo wiiqin hawlaha ay dalka u hayaan. Haddii la dhaliilayo ama la eedeynayana waa in loo maraa waddooyinka sharciga ah oo falka maamulka masuulka ka yimid waa in aan lala aadin qoyska masuulka waayo qoyska waa qoys Somaliyeed waxaanu leeyahay xaqa qoyskasta uu leeyahay. Xataa waxaa khalad ah in magaca masuulka iyo qoyska la isku xiriiriyaa haddii uu dhaawacayo garta iyo caddaallada si xaqa loo eego oo aysan qoyska masuulka ugu faa’iideysan magacooda.
  3. Shacbiga iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan waa inaan lagu kadsoomin qof ama koox inta mediyaha hor timaada oo cabanaysa ama is ooysiineysa ilaa dhinaca kale laga dhageysto dhacdada waayo cidda aan arrinkan shaqo ku lahayn waa maxkamddii gar qaadi lahayd waana inay heshaa aragtida labada dhinac. Tusaale waxaa kuugu filan 48 saac ee tagtay waxaa dusha noo sarnaa oo aan la safneyn qoyska cabanaya waxaana eed u haysannay MW iyo Qoyskiisa, kadibmarkii aan aragnay reerkan oo saxaafadda ka dhex cabanaya oo wliba abaal sheeganaya ee lahaa waxaa nagala dhacayaa hanti aan sharcidarro ku haysannay , kadibna uu si cad bannaanka u soo baxay dulmigooda, iyadoo laga rabo hay’adaha caddaaladda inay ku qaadaan dembigooda.

Ugu dambeyn waxaa mudan inaan ka korro caadifadda oo dalka shuruucdiisa lagu khasbaa inay madaxda iyo shacbigaba raacaan, waana sida kaliya ee uu dalkaan ku guuleysan karo. Sidoo kale kooxdii hore ee MW Farmajo hogaanka dalka waa ku soo noqon karaan laakiin waa inay joojiyaan ka soo horjeedka, shaqooyinka wanaagsan ee ay dowladdu qabato iyo  dagaalka Shabaab  iyo waliba Masuuliyiinta hawlaha wanaagsan wada si aan loo fashilmin, una yimaadaan hadhow haddii Allah u qoray meel intaan ka wanaagsan. Haddaba dib u dhigga Dokumentiga iyo Caddeymaha la qoray 25 April 2023 ee Madaale uu sameeyey iyo Ijaafeynta Qoyska kowaad ee 48 saacadood socotay ma go’aan xumaa misa waa u talagal adiga is weydii .