Daahfurka Xisbi cusub oo Mucaarid ah: Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD)

Reading Time: 2 minutes

Munaasabadda Daah furka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa ka socota Hoolka Sahal ee agagaarka Isgoyska KM4 ee Mogaalada Muqdisho.

Bandhiggan ayaa ah dhoolatuskii ugu weynaa ee daah furka Xisbi mucaarad ah, iyadoo xisbigan ay ku mideysan yihiin xubno ka tirsan Baarlamaanka Labada Gole iyo Siyaasiyiin.

Munaasabadda waxaa si toos ah daawanayaa baraha bulshada.

Xisbigaan waxaa uu  imanayaa goor dalku uu ku jiro xaalad aad u cakiran oo xataa ay sameysmeen koox tuugo ah oo ah si toos ah maalintii dadka u furta. Maalintii shalay ahayd waxaa la weeraray maqaayado cunto loo fadhiyey maalin cad waxaana dadka laga qaatay dhammaan wixii ay wateen markii dharkooda laga reebo.

Haddaba xisbiyadan iska soo daba dhacay wax maka qaban karaan xaaladda dalku ku sugan yahay oo saacad saacad uga sii dareysa, masa ku khasbi karaan Barlamanka Fadhiidka ah inuu tallaabo dadnimo qaato oo uu dalka Badbaadiyo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka dhex muuqda munaasabadda daah furka Xisbigan cusub, waxaa goor dhow hoolka gaaray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20 Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan.

Waxaan halkaan ku lifaaqan gacanqabsiga (brochure) Xisbiga iyo sawiiro munaasabadda laga soo qabtay.

MOL waxay isha ku hayn doontaa waxa uu soo kordhiyo  xisbiga iyo siyaasadaha ay la yimaadaan xisbi kasta waxayna dadka u ifin doontaa waxkasta oo ama ka hor imanaya ama kabaya wanaagga dalka.