Daacish”waxaan muqdisho ku dilnay saargaal ka tirsan Booliska Soomaaliya”

Reading Time: < 1 minute

Ururka Daacish ayaa sheegtay masuuliyadda dil Shalay  afaafka hore ee Suuqa Khudaarta, nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha qaybta xigta dhanka Degmada Hodan loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada oo halkaasi ku sugnaa.

Askariga xilliga la dilaayay ayaa wuxuu ku hawlanaa kala hagista gaadiidka wadooyinka marayay nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha, qaybta Degmada Hodan.

Daacish ayaa sheegtay inay degmada Hodan ku dileen sarkaal ka tirsan Booliiska, waxayna daabaceen sawirro muujinaya ninka weerarka gaysanaya oo tooganaya shaqsiga la bartilmaameedsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, kuwaasi oo sameeyay hawlgalo baaritaan ah, mana jirin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Daacish ayaa u muuqata in ay kordhisay dilalka ay ka geysanayso magaalada Muqdisho, waxaana xilliyada ay dilalka geysanayaan sameeyaan muuqaal kooban oo ay ka duubaan qaabka uu dilka u dhacayo.

Dilalka qorsheysan ayaa ka dhacaya Magaalada Muqdisho maalmahan dambe, waliba xilliyada habeenkii ah ayey u badan yihiin dilalka ka dhaca Magaalada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!