Daacishta Soomaalia oo War kasoo saartay Hogaamiyohoodii geeriyooday ee Abuubakar al Baqdadi

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Daacish faraceeda Somaliya ayaa waxa ay ka hadleen Amiirkooda cusub ee Hoggaamin doona Daacish, kadib dilkii loo gaystay Abuubakar Al Baqdaadi Hoggaamiyihii Kooxdaasi.

Warbixin Kooban oo Daacish ay soo dhigeen Barta Telegeramka ayaa waxa ay ku sheegeen inay adeecsan yihiin hoggaanka cusub ee Kooxda oo lagu magacaabo Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Daacishta Somaliya waxa ay sheegeen inay fulin doonaan awaamiirta Hoggaamiyahooda, sidoo kalena ay u aargudi doonaan dilkii loo gaystay Amiirkoodii hore Abuubakar Al Baqdaadi.

Inkastoo awood badan aysan laheyn Daacishta Somaliya ka hawlgasha, haddana waxa ay gaystaan dilal qorsheysan & Qaraxyo Miinooyin wadada ay ku aasaan.

Hoggaaamiyaha cusub ee ururka Daacish oo Khamiistii lagu dhawaaqay in uu yahay hoggaanka cusub ayaa Ururka daacish waxaa uu sidoo kale ku baaqay in laga aargoosto Mareykanka.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa hoggaamiyaha Daacish Abuu bakar al Baqdaadi ku dilay Waqooyi Bari Syria, waxaana kooxda ay magacowday hoggaamiyaha bedelay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!