Ururka Daacish ayaa sheegtay dil xalay ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho,halkaas oo uu xalay dil ka dhacay.
Ururka Daacish ayaa bogga wararka u faafiya ee Acmaaq lagu baahiyay in xubno ka tirsan Ururka Daacish ay degaanka Ceelasha biyaha ku dileen Askari ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.
Daacish waxaa ay maalmihii la soo dhaafay sheeganeysay dilal ka dhacay Muqdisho,waxaana ugu dambeeyay dil maalin ka hor suuqa Bakaaraha ee Muqdisho loogu geystay Askari ka tirsanaa Taraafikada Soomaaliya.
Ururka Daacish ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sanadkan 2018 uu Soomaaliya ka geystay wax ka badan 15 weerar kuwaas oo intooda badan ka dhacay Magalada Muqdisho.
Warbixinta Daacish waxaa ku jirtay in guud ahaan 43 Weerar oo aanay ku jirin kuwii dhacayay todobaadkii la soo dhaafay ay ka geysteen Soomaaliya tan iyo markii ay billaabeen dilalka .