Daacish oo sheegatay Dil loo geestay Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowlada Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Daacish ayaa sheegatay dilka labo ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ee dowladda oo ka dhacay Muqdisho.

Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalaha maaliyadda ee dowladda.

Sawirro ay soo bandhigtay Wakaalada wararka u faafisa Daacish ee Amaq ayaa muujinaya labo nin oo geysanaya toogashada.

Dilkan ayaa ka mid noqonaya dilal taxane ah oo ISIS ka fulisay Muqdisho, kaasoo muuqaalo laga duubay.

Kooxda Daacish ayaa kordhisay weerarada sida dilalka qorsheysan oo ay muddooyinkii u dambeysay ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.