Daacish iyo Al Shabaab oo ku dagaalay Gobalka Bari, Puntland

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalka labada dhinac ayaa maalin ka hor ka dhacay togga lagu magacaabo Il-cameyra oo ku yaalla Cal-miskaad sida ay xaqiijiyeen macluumaad dhinaca sirdoonka ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii malayshiyaadka Daacish ay weerar kedis ah ku qaadeen koox ka tirsan Shabaab oo sahan dhuumasho ah ku tegay halkaas

Malayshiyaadka Daacish iyo Shabaab oo dagaallamay ayaan la ogayn khasaaraha kala gaaray.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!