Sida ay sheegayaan wararka laga helayo buuraleyda gobalka Bari, dagaal culus ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay buuraleyda Cal-miskaad ee Bari, kaas oo u dhexeeya maleeshiyaad ka kala tirsan kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, oo ku wada sugan dhulka buuraleyda ah.
Dagaalka ayaa intiisa badan dhacayay 72 saac ee lasoo dhaafay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada kooxood. Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda Daacish ay in kabadan 6 qarax oo ismiidaamin ah la beegsatay Dagaalamayaal Al-Shabaab ah.
Ilo wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in 40 qof oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ay weeraradan ku geeriyoodeen. Horey, kooxaha Daacish iyo Alshabaab ayaa marar dhowr ah ku dagaalamay buuraleyda gobalka Bari oo ay ku wada sugan yihiin, waxaana kooxahan ay isku qabteen dhaca shacabka ku dhaqan dhulkaas.