D. Qatar oo wadahadal toos ah la furatay Dowlad Goboleedyadda iyo walwal soo wajahay Farmaajo? (Xog-Cadeymo)

Reading Time: 2 minutes

Dowlada Qatar oo ahayd dowlada kaliya ee taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaale siinaysay dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay hadda bilaawday in ay si toos ah ula xaajooto madaxda Dowlad Goboleedyadda ee ka tirsan dowlada Fedaraalka. Talabadaan ay qaadatay Dowlada Qatar ayaa waxa ay ka tarjumeysaa siyaasadda ka jirta Geeska Africa oo maalinba maalinta ka danbeeysa isbadalayso.  Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ku guuleeystay in ay  la wareegaan hogaanka Bariga  iyo Waqooyiga Afrika sida Liibiya, Suudaan, Itoobiya, Eritereeya, Jabuuti iyo qaybo ka mida Soomaaliya sida Somaliland and Puntland.

Dowlada Qatar ayaa waxa u muuqatay in Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa   ayan dib ugu soo noqon doonin xukunka dalka sidaas darteedna ay dhibaato ku imaan  doonta danaha fog oo ay dowlada Qatar ka leedahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan hadii ay xukunka dalka la wareegaan kooxo u arka dalka Qatar cadowga Soomaaliya.

Sababahaas awgood ayaana keentay in Dowlada Qatar ay isbadal ku sameeyso siyaasadeeda ku wajahan dalka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Kheyre marki uu tagay dalka Qatar ayaa si toos ah loogu sheegay in dowlada Qatar aya wadahal la furi doonto mucaaradka dowlada iyada oo ilaashanaysa danaheeda siyaasadeed. Qof ka mida siyaasiyiintii la socotay Xassan Kheyre ayaana u xaqiijyay MOL in si toos ah loogu sheegay Kheyre in dowlada Qatar ayan meelna ugu xirnaan doonin Dowladda Soomaaliya.

Afartii asbuuc ee la soo dhaafay dowlada Qatar waxa ay si toos ah iyo si dadbanba ula kulantay qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyadda iyaga oo isla gartay in dib u cosboonaysiin lagu sameeyo xiriirka labada dhinac. Dhanka kale dowlada Qatar ayaa waxa ay dhankeeda magacaawday gedi cusub oo uu hogaamin doono diblomaasi hore kaas si toos ah u hogaamin doono  arimaha Soomaaliya.

Talabadaan ay dowlada Qatar qaaday ma aha mid ay ka qarisay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya sida Midowga Yurub iyo Maraykanka. Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa u muuqda kuwa albaabadii oo dhan ka soo xirmayaan.

Waxaa gabi ahaanba la joojiyay dhaqaalihii ay dowlada Soomaaliya ay ka heli jirtay meelo fara badan hadana ay ku sugan tahay xaaalad keeni karta kacdoon shacab. Dowlada Qatar ayaa hadda ku mashquulsan sidii ay u dhexdhexaadin lahayd wadamada Kenya iyo Soomaaliya oo isku haysta arimaha la xiriiira xuduuda badda.