D. Kenya oo si heer sare ah u soo dhaweysay wafdi ka socda Somaliland  halka kuwii DFS lagu hayo Garoonka JKIA

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Kenya ayaa magaalada Niarobi si heer sare ah ugu soo dhaweysay wafdi ka socday dalka la magac baxay Somaliland. Wafdigaan oo isugu jiray mucaarad iyo xubno ka tirsan dwolada Somaliland ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareeysa dalka Kenya.

Dabayaqadii asbuucii hore ayaa wafdi heer xildhibaan ah oo ka socday dalka Kenya waxa ay magalaada Hargeysa kaga qaybgaleen xuska sanadguuradii 28naad ee gooni iskutaaga dalka la magac baxay Somaliland.

Dhanka kale waxaa caawa  garoonka diyaradaha JKIA ee Nairobi  ku hoyana koox xildhibaano iyo wasiiro isugu jiro oo ka tirsan dowlada fedaraalka ka dib markii dowlada Kenya ay aqoonsigii kala noqotay baasaboorka Soomaaliya.