Cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland oo tababar loogu soo xiray Qardho

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar ku tegaya magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne Siciid Deni ayaa halkaas tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo in mudda ah tababar uga socday Xerada Xorgoble.

Guddiga dib u-habaynta ciidamada Puntland oo ay hoggaaminayaan wasiirada Maaliyadda iyo Amniga ayaa madaxweynaha uga sii horreeyay magaalada Qardhi si ay u diyaariyaan munaasabadda. Xukuumadda Puntland ayaa sannadihii u dambeeyay dib u habayn iyo tababarro ku waday ciidamada kala duwan gaar ahaanna Booliiska iyo Daraawiishta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!