Cumar Finish oo 14-jir maskiin ah shaqo joojin ku sameeyay (Fal laga naxay )

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamed Maxamuud (FINISH) ayaa waxaa uu sameeyay fal si aad ah looga naxay kaasi oo ah in uu ku xad-gudbay Wiil Maskiin agoon ah oo ka shaqeeynaayay  xarunta gobolka Banaadir.

Hassan Maxamuud Hassan saney waa wiil jira 13 sano balse ka fiican kuwa ka waaweyn,sida aad ku  arki doontaan qisadaan”Maalin walbo oo jimco ah waxaan biyo ku shubaa qabriga allaha unaxariistee Yariisoow” sidaasi waxaa yiri wiilka.

Arrinka uu ku dhaqaaqay Cumar Finish ayaa ah in uu ka jaray dhaqaallahii uu qaadan jiray  Hassan Maxamuud Hassan saney  kaasi oo uu shaqaaleeysiiyay Gudoomiyahii hore Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”YARIISOOW”  ka dib markii hooyadii ay ku geeryootay qarax Muqdisho ka dhacay.

Cumar Maxamed Maxamuud (FINISH) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho  ayaa amray in dhaqaalaha laga jaro wiilkaasi,falkaan ayaa si aad ah loola yaabay sababta go’aankaan uu u qaatay Gudoomiye Cumar.

Muqdisho Online oo baaritaan sameeysay waxaa ay ku ogaatay in sababta dhaqaalaha looga jaray Hassan Maxamuud Hassan saney ay tahay in uu tago maalin walbo oo jimco ah Qabriga “”ENG YARIISOOW'”

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!