Cumar C/rashiid: “RW Kheyre waxa u wanaagsan in uusan dagaal ku bixin oo uu isaga iscasilo, taa ayaana mustaqbalkiisa ku jirtaa”

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo laba mar xilal Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay dalka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan dalka dibadiisa sheegay in Xassan Kheyre ay u wanaagsan tahay in uu isagu qaato go’aanka ah in uu iscasilo.

Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in hadii Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare isqabtaan markastaa guusha waxa ay ku danbeynaysaa Madaxweynaha sababtoo ah isaga ayaa si toos ah loo soo doortay.

Cumar Cabdirashiid waxa uu yiri “Marka aad fiiriso xaalada dalku hada ku sugan yahay iyo isqab-qabsiga iyo eedeynta ka dhex bilaabatay madaxa dowlada, waxaa u wanaagsan Xassan Kheyre isaga oo fiirinaya mustaqbakiisa iyo kan beesha uu ka dhashay in uu  si degan isku casilo, taasna waxa ay u suuragalineysaa in uu dib ugu soo noqdo siyaasadda”.

“marka aad tahay Ra’iisal Wasaare xildhibaano badan ayaa been kuu sheegayo oo kuugu dhiirigalinaya in aad ku nagaato kursiga  ama aad la dagaasho Madaxweynaha, waxaan hubaa kuwa dhiirigalinaya isaga hadda in ay ka kala tagi doonaan marka xaalada gaarto meel xun” ayuu ku daray Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo garab ka dhiganaya Fahad Yasin ayaa u muuqda mid doonaya in uu la dagaalo Madaxweyne Farmaajo, isaga oo rumeysan in uu awood buuxda ku hayso baarlamaanka dhexdiisa. Talaabadaan ayaa keeni doonta in ay god  dheer ku rido xal u helida siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arimaha cul-culus ee xiligaan hortaagan dowlada Soomaaliya.

Taladda uu bixiyay Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ah mid ay ka muuqato waayo-aragnimo. Labadda Ra’iisal Wasaare ee iskood isku casilay ka dibna siyaasada dib ugu soo laabtay ayaa kala ah Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo halka Ra’iisal Wasaarayaasha kale ee isku dayday in ay xoog ku joogaan ama la dagaalaan Madaxweynihii ayaga soo magacaabay ay hawada siyaasada Soomaaliya ay ka baxeen, rajana ayan ka qabin in ay dib ugu soo laabtaan.

Ra’iisal Wasaare Kheyre wadadee ayuu qaadi doonaa?