Cumar C/rashiid oo Runta u sheegay Kheeyre Iyo Farmaajo”Dalku Ma xamili karo mooshin”

Reading Time: < 1 minute

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisal wasaariihii hore ee Soomaaliya  oo ku sugan magaalada Dubai, ayaa ka hadaly xiisada siyaasadeed ee ka oogan Golaha Shacabka iyo mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.

CC-SHarma’arke wuxuu sheegay inuu ku talinayo arirnta Mooshinka Guddoomiyaha Jawaari lagu dhameeyo wadahadal, haddii laga fursan waayana loo maro dariiqa sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka, isagoo taageeray dadaalka Aqalka Sare ku jiro.

“Waa arin u baahan in si dhaqse ah loo xaliyo, waayo haddii ay soo jiitanto waxaa ay cuuryaamin kartaa howlihii golayaasha dowladda, haddii ay taa suurtal noqon weysana waa in cod loo qaado sida uu xeer hoosaadka iyo dastuurku qabo’’ ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Ra’iisal wasaariihii hore ee Soomaaliya   Cumar C/rashiid oo ah senator ka tirsan Aqalka Sare oo muddo sanad ah aan soo xaadirin Muqdisho ayaa soo dhoweeyay go’aanka Aqalka sare ay ka qaateen arintan iyo tallooyinka ay soo jeediyeen oo sida uu hadalka u dhigay u baahan in sida ay u dhigeen loo qaato.