Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Tuulada Bullaale oo ka tirsan degmada Dhagax-buur ee Dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed, khasaaaro xooggan uu ka dhashay kadib markii ay Biriq ku dhacday goob ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah Culumo Suufiyada, waxaana soo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo laga helayo khasaaraah gaaray culimadaasi.
Sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah 30 ka mid ah Culimada ayaa wax yeelo kala nooc ah ka soo gaartay kadib markii Biriqdu ku dhacday goobta ay ku sugnaayeen, waxaana laga dayrinayaa xaaladdooda qaar ka mid ah Culimada dhaawacu gaaray. Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in dhaawacyadooda la gaarsiiyay Cusbitaal ku yaalla Magaalada Dhagaxbuur, si halkaasi loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.
Dhanka kale dhaqaatiirta ku howlan la tacaalidda dhaawacyada soo gaaray Culimada ayaa sheegay in qaar ka mid ah xaaladoodu ay tahay mid Liidata, waxaana intaas ay ku dareen ay wadaan dadaallo caafimaad oo lagula tacaalayo Culimada dhibaatadu gaartay.