Culumadii oo mushaar ku badalatay in ay xaqa ka hadlaan? Maxay u aamusan yihiin?

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo  xaalada  amni dalka uu marayo meel aad u xun oo ay dhimanayaan boqalaal shacab ah  ayaa hadana culamadii sheegan jiray in ay yihiin kuwa xaqa ka hadla ay ka amusan yihiin. Dad badan ayaa isweydiinaya maxaa keenay in ayan ka hadlin ama aysan dhaleeceynin dowladda lumisay amnigii magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Dowlada Farmaajo ayaa ku guuleystay in koox kastaa oo ay u arkaan in ay ka hadli karaaan fashilkooda ay lacag ku iibsadaan. Nasiib xumo culamadii ayaa noqotay kuwii ugu danbeeyay ee la iibsaday. Culumo badan oo shacabku u arkayeen in ay yihiin dad ahlu diin ah oo u turayo shacabka xaqana ka hadla ayaa waxa ay mushaar ku  badasheen xaqa in ay ka hadlaan.

Xiligii dowladii Xassan Shiikh waxa ay habeen iyo maalin la taagnaayeen iidaacadaha in ay shacabka u iftiimiyaan dhibtaada ay u arkayeen in ay dowlada ku hayso shacabka. Laakiin Farmaajo waxa uu ku aamusiyay lacag?

Qaar ka mida waxa ay dabada la galeen qabiil iyaga oo u arka Farmaajo in uu yahay shaqsi ay ehel yihiin ama dano gaar ah kala dhaxeeyaan. Dhanka kale, qaar ka mida culumadaas ayaa waxa ay ka tahay caqiido in ayan ka hadlin dhibka ay dowlada ku hayso shacabka Soomaaliyed.

Tusaale marka aan u soo qaadano Shiikh Nuur Baaruud, Shiikh Bashiir Salaad, Shiikh Kenyaawi iyo Shiikh Cali Wajiis ayaa waxa laga bixiyaa hoteelada ay degan yihiin bilkastaana waxa ay mushaar loogu qoray qaybo ka mida Wasaaradaha dowladdaa. Sido bay suuragal ku tahay in Shiikh Bashiir Salaad uu dhowr sano ku degan yahay hotel hanbeenkii lagu kireeyo   $150? Yaa bixiya lacagtaas?

Aqoonyahan Muse Cilmi ayaa yiri ” Dowlada Kheyre iyo Farmaajo wadankaan wax ay keeneen fidno cusub oo ah in ay culumadii lacag ku iibsadaan”. Waxa uu ku daray “Ma xasuusataa Shiikh Nuur Baaruud iyo Shikh Bashiir habeen iyo maalin idaacahada ayaa ay taagnaayeen iyaga oo dowlada eedeynayay? halkeey ka baxeen hadda”. Waxa ay xataa ka aamuseeen in ay  dareen ka muujiyaan ciidamada aan mushaarka la siinin dhowrka bilood!

Waxa ay ku mashquulsan yihiin in ay ka hadlaan “gabdho dar xun soo xirtay” iyo wax la mida laakiin marnaba kama hadlayaan fashilka ku yimid amnigii dalka.