Waxaa sadaxdii maalin ee la soo dhaafay uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ay soo abaabuuleen qaar kamida culumada Soomaaliyed, shirkaas oo loogu magac daray shirka “Kaalinta Culumada ee ku aadan heshiisiinta Soomaalida”.
Kulankaa oo ay soo qaban qaabiyeen culumada ka soo jeeda ururada Al Itixaad, Salfiyada kuna abtirsada Wahaabiyada ayaa sida la sheegay lagu gorfeeyay doorka culumada Soomaaliyeed ee ku aadan xaalada adag ee uu dalkeena ku jiro.
Sida ay MOL u shegeeen goobjoogaal shirka ku sugnaa , Doodo dheer ka dib waxa ay culumada isla garteen in aan la soo hadal qaadin lagana hadlin dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.
Aragtidaan ayaa timid kadib markii qaar kamida Culumada ay ku doodeen in dagaalka Al Shabaab uusan ahayn mid ku saleeysan diin balse uu yahay mida dane gaar ah laga leeyahay, dhaaawacna loogu geeysanayo diinta.
Tusaale, waxa culumadu dood dheer ay ka yeesheen ereyga Khawaariij oo ay dhamaan isku raaceen inay khalad tahay in dad Muslim ah oo diinta ku dhaqmo ee Al Shabaab ku abtirsada loogu yeero Khawaarij.
Qaar kale ayaa ku doooday in dhalinta iyo hogaanka Al Shabaab ayan ahayn dad diinta ka soo horjeeda balse u baahan yihiin in la saxo. Sidaas darteen culumadii shirka ka soo qeyb gashay waxa ay dhamaantood isla garteen in aan lasoo hadal qaadin magaca Al Shabaab, isla markaana aan la taageerin dagaalka ka dhanka ah AL Shabaab oo ay wado dowlada Federaalka.
Mid kamida Culumadii ku sugnaa goobta ayaaba ku dooday “ hadii aan faqi iyo ku dhaqanka shareecada fiirino Al Shabaab ayaaba u dhow diinta markala fiiriyo qaar kamida kuwa hogaanka u haya waxa lagu sheegayo dowlada federaalka”.
Halkii lagu sugaayaay culumada ku shirtay Nairobi inay shacabka Soomaaliyeed ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaaab ama bari ka noqdaan Al Shabaab oo is-garab taagaan shacabka ee la dagaalaya ururka argagaxisada Al Shabaab balse waxey si dadban u sheegeen in ay dhax dhaxaadinayaan kooxaha is khilaafsan ee ku dagaalaya dalka Soomaaliya.
Waxa iyadana sidoo kale u baahan in la iftiimiyo in culumada ku shirtay Nairobi ay ku dhiiran waayeeyn in ay taageeran go’aankii ka soo baxay shirkii culumada Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muadisho oo qaar kamida ka qaybgalayaashii shirkaas ay madasha shirka Nairobi fadhiyaan. Shirkaas ayaana waxa ka soo bxay go’aanka ah in Al Shabaab loogu yeero “Khawaariijin”.
Bayaanka ka soo baxay shirka culumada ee Nairobi waxa uu xaqiijiyay in qaar kamida culumada shirka fadhiday ay wali aaminsan yihiin fikirka kooxda Al Shabaab.
Dhanka kale bayaanka iyo shirka Nairobi waxa uu u muuqdaa mid daba socdaa shirkii Muqdisho taas oo ujeedadiisu tahay in lagu burburiyo bayaankii ka soo baxay Shirkii Culumada Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay. Sida lagu sheegay bayaanka shirka Nairobi, Waxaa la magacaabay gudi cusub oo sameeyn doono magac bixin cusub, “sixi doonana magacab bixinta beenta ah”. Taas oo ka dhigan in magac bixin cusub loo sameeyn doono ururka Al Shabaab.
Waxa xaqiiqdii nasiib xumo ah in culumo Soomaaliyeed ee shirtay ay soo hadal qaadi waayaan dhibka Al Shabaab ku hayo shacabka Soomaaliyeed, taageerida dagaalka umadda Soomaaliyeed ku jirto ee dalka looga xureeynayo Al Shabaab.
Waxaa iyadana nasiib xumo ah in qaar kamida culumada ku shirtay magaalada Nairobi ay asbuuca danbe ku noqon doonaan magalaada Muqdisho iyaga oo mushaar ka doonayo inay ka qaataan dowlada Federaalka Soomaaliya. Qaar ayaa madax ka ah dallada Culumada Soomaaliyeed ee ka dhisan magaalada Muqdisho.
Dhanka kale intii shirka socday kama aysan tacsiyadeeyn kamana aysan hadlin dhibka heysta shacabka Soomaaliyeed balse waxa ay tacsi tiraanyo leh u direen shacabka reer Falastiin.
Halkaan hoose ka daawo