Culumadda Suufiyada iyo Ahlu Sunna: “Ilaah baan u barinay in dalka u dhiibo Farmaajo laakin dalka iyo dadka waa ku balan furay”

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mida mashaa’iiqda waa weyn ee Sufiyadda iyo Ahlu Sunna oo si aan hagar lahayn u taageeray Doorashda MW Farmaajo ayaa si aan looga baran ka sheegay kulamo iyo quraan aqris gaar ah oo ay dalka ugu ducaynayaa in MW Farmaajo ku balan furay dalka iyo daka. Mid ka mida Mashaa’iiqda waa wayn ayaa sheegay in mudo ka badan sadax sano ilaah u baryayeen MW Farmaajo  in uu mar uun hogaanka dalka u dhiibo. Culumadda ayaa sheegtay  in ay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku arkeyeen astaamo Kheyr u ah  dal iyo dadka lagu badbaadin karo umadda Somaliyeed. Culumada ayaa waxa ay aad ula yaaban yihiin beenta joogtada ee uu MW Farmaajo la soo baxay iyo in uu ka leexday balantii uu ilaah iyo umadda Somaliyeed uu la galay.

Culumadda ayaa waxa ay hadda wadaaan quraan aqris iyo Alla tuug dalka loogu ducaynayo in uu dhibka ka saaaro nabad buuxda u keeno.  Waxaa muuqata in MW Farmaajo ay beentiisa iyo hogaan xumadiisa taabatay mshaa’iiqdii Somalida ee sida aadka looga qadariyo dalka gudahiisa. Dad badan ayaa is weydiinaya in MW Farmaajo is daba qaban doono oo dalka iyo dadka uu daacad u noqon doono iyo in u noqdo mid dalka iyo dadkuba eedaan isagana nolashiisa meel xun u danbeeyso.