Culumada Puntland oo ka hortimid Xeerka Gudniinka Haweenka

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa ka horyimid xeerka gudniinka gabdhaha oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, hadana horyaalla baarlamaanka.

Culimada ayaa sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland iyo sharciga Islaamka.

Wadaada ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meelmarin hindise sharciyeedkan oo ay ku tilmaameen mashruuc dana gaara laga leeyahay.

Xeerka muranka dhaliyay oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa mamnuucaya gudniinka gabdhaha nooc walba oo yahay

Culimada ayaa sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland iyo sharciga Islaamka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!