Culumaa’udiinka  iyo Odayaal dhaqameedka Mudulood oo ka horyimid Magacaabista Dahir M Geele?

Reading Time: 2 minutes

Culumada Ahlu Sunna Wajameeca iyo culumaa’udinka magaca wayn ku dhex leh Beelaha Mudulood ayaa fariin caro ah u diray Madaxweyne Farmaajo. Fartiintaan oo ka daba socotoay magacaabista Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Dahir Maxamuud Geele.  Culumada ayaa waxa ay  magacaabista Dahir M Geele ku tilmaameen jariimo laga galay diinta Islaamka  iyo beelweynta Mududlood .

 

Daahir Maxamuud Guuleed ayaa ahaa afhayeenka Maxaakiimta xiligii  Maxaakiimta ay muqaamawada ka wadeen dalka gaar ahaan magaalada Muqadishu oo dad shacab ah lagu laayay dowlad ayaad la shaqaysaan. Maxaamkiimta oo ay horkacayaan koox mayal aday ayaan burburiyay qabuuraha mashaa’iiq  badan oo ku aasan magaalada Muqadishu.

Dahir oo ka hadlay arintaan  xiligaas  ayaa idaacadaha ka sheegay in burburinta qabuuraha ay tahay waajib islaami ah. Sheikh Maxamud Nurr oo ka mid xirta Shiikh Muxyadiin Celi ayaa yiri “maalinta mowlaca lagay ee filimka laga soo qaaday iyada oo la burburinyay qabuuraha Shiikh Muxayadiin ayaa Dahir ugu tagnay xaruntiisa waxaana ka codsanay in la joojiyo burburinta qabuuraha mashaa’iiqda laakiin waxa uu si jees jees ah noogu yiri, qabuuraha iska daaya ee naftiina ka walwala”  Waxa uu taa noogu daray “ilaah u tooba keena qabuuraha ku yaal moowlacahana dhaamaan waa la burburinayaa sababtoo ah waa shariig waa jibna ah in  lala dagaalamo”

Dahir oo ka tirsan gudiga dhexe ee kooxda Ictisaam, saaxiibna hoosana la ah madaxa koox diimeedka ictisaam Shiikh Bashir Salaad ayaan marnaba qarsanin fakarkiisa xaqjirnimo iyo naceebka culamaa’udinka Soomaaliyeed.  Mid ka mid ah odoyaasha beesha Mudulood ayaa isna sheegay in waxa kaliya ee isku haya dadka Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Mudulood in ay tahay moowlacyadda. Oday dhaqameedkaan ayaa yiri “ Mowlacyada waa meesha laga hago dhaqanka iyo diinta, ninkii burburkeeda ka shaqeeyay ayuu Farmaajo noo magacaabay, taas ayaana naga deeqdo Farmaajo iyo dowladiisa” waxa intaas uu ku daray, “shaki noogama jirto in ficilkaan dhiilada leh dowladaan dhib u keeni doono”

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!