Culimada Puntland oo u jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Culimada Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Culimada Puntland  oo ka jaewaabaya hadalkii ka soo yeeray culimada Somaliland oo ay ku tilmaameen dagaalka ka socda Laascoonood mid shaqaaqo ah ayaa war ka soo saaray dagaalka todobaadkii labaad ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka iyo ciidamada Dowlada Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Boosaaso ayay ku sheegeen Culimada Puntland in dagaalka ka soconaya Laascaanood uu yahay mid dulmi ah, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Culimada ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo Laascaanood, ayna aqbasho rabitaanka shacabka.

“Dagaalka Laascaanood waa dulmi, waa in Somaliland ay ciidankeeda ka dulqaad-daa Laascaanood, lana tixgaliyo rabitaanka Shacabka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Culimada Puntland.