Cudurka Ebola oo u soo talaabay Kenya iyo qofkii ugu horeeyay oo laga helay Kenya

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya xuduudaha ee dalka Kenya la wadaagto dalka Uganda ayaa sheegayo in cudurka halsita ah ee faafa uu soo gaaray dalka Kenya. Xukuumadda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii u horreeyay ee Kenyaan ah laga helay cudurka Ebola, isla markaana la geliyay karantiil si looga digtoonaado inuu faafo.

Sida ay shegeeen Saraakiisha caafimaadka gobolka Kericho haweeney Kenya u dhalatay oo ku nool gobolkaas laga helay cudurkan, isla mrkaana la dhigay goob loo diyaariyay in lagu karantiilo dadka qaba curudkan halista ah.

Saraakiisha ayaa hadalkooda ku sheegay in haweeneydan oo da’deedu aad u yar tahay laga helay calaamada cudurka Ebola sida xumadda ama qandho kulul, iyagoo sheegay in goobta la dhigay lagu hayn doono illaa caafimaad ay ka helayso.

Sidoo kale, Warbixin ay soo saareen maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in haweeneyda laga helay cudurkan halista ah ay shalay u gudubtay dalka Uganda halkaas oo ay ku booqatay saygeeda, inkastoo aan la sheegin in saygeedu cudurka qabay iyo in kale.

Dalka Kenya oo ka baqaya in cudurka ku faafo dalkeeda ayaa ayaa waxa ay heegan gelisay hay’adaheeda caafimaadka si ay uga hortagto cudurkan halista badan, waxaana la sameeyay shaqaale loo tababaray ka hor-tagga iyo la socoshada faafitaanka cudurkan.