Cudurka Covid19 oo la sheegay in uu aad ugu faafayo dalka Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Karoonaha. Wasaaradda ayaa sheegtay in gobolka Banaadir kiisaska cudurka Karoonaha ay sare u kaceen Saacaddihii lasoo dhaafay.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka laga baaray dad gaaray 1,158. Guud ahaan waxaa dalka laga helay 43 ruux iyadoo 29 ka mid ah ay laga helay Muqdisho,Puntland 8,Somaliland 4 halka Jubbaland laga helay 1 ruux.

Maadaama sare u kac uu ku yimid dadka laga helayo cudurkan caasimada dalka ayaa waxaa ay wasaarada caafimaadka sheegtay in Isbitaalka Martiini ayaa mar kale dib u bilaabayo wax ka qabashada cudurkan COVID-19, Iyadoo gabi ahaanba la joojiyay Adeegyadii kale ee Isbitaalku u hayay Bulshada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!