Dalka Itooboya oo ka mida wadamada ugu tirada badan dalalka Afrika ayaa waxaa ku sii faafaya cudurka CaronaViruska. Cudurka waxaa uu ku fiday gudaha dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in 72 saac ee u dambeysay cudurkaas laga helay in ka badan 17 qof siida ay sheegtay wasaarada caafimadka ee Dowlada Federalka Itoobiya.
Inkastaa oo uu cudurka ku sii fidayo dalka Itoobiya hadanna waxaa muuqata in dowlada Itoobiya ay qaraniyso heerka uu gaarsiisan yahay faafida cudurkaas. Waxa uu cudurkan noqday kii u halista badnaa oo dunida ku faafay oo sababay inay kumanaan u dhintaan. Dhinaca kale waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Adama oo katirsan Ismaamulka Oromada kadib markii sedax ruux oo ka kooban hal qoys laga helay cudurka Coronavirus, taas oo keentay in gabi ahaanba isku socodka magaalaada la joojiyo.