Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay woqooyi Galbeed Dalka Tansaniya,kadib markii uu soo ritay cudur aan la garaneyn oo cusub,sida ay ku warameen saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi.
Maamulka caafimaadka ayaa cudurkaasi ku tilmaamay mid la yaab leh,waxaanna ilaa hadda gobolka Kagera laga soo sheegay 7 kiis ,iyadoo halkaasi loo diray koox dhakhaatiir ah si ay u soo baaraan cudurka.
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, daal iyo dhiig ka soo baxa sanka, sida ay sheegtay madaxa caafimaadka ee dowladda Tumaini Nagu.
Waxa ay ka codsatay dadka ku dhaqan deegaanka in ay is dejiyaan oo ay ka fogaadaan in ay la xiriiraan dadka uu soo ritay cudurka.