Cr/Cabdi Shakuur “Hadii la eego qodobka 11aad ee xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed, Farmaajo maanta dalka Madaxweyne kama ahaadeen”

Reading Time: < 1 minute

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay arinta C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe uu ku booqday xabsi guri uu ku jiro Magaaladda Addis ababa ee dalka Ethopia.

C/raxmaan ayaa sheegay in Madaxda dalka gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu dusha saaranayo arinta Qalbi dhagax, islamarkaana hadii la eego qaar kamid ah Qodobadda Dastuurka dalka u yaalo uusan Farmaajo ahaadeen Madaxweyne xiligaan.

“Waan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jubaland Sheikh Axmad Madoobe booqashada uu ugu tegey iyo dadaalka uu ugu jiro sii daynta Qalbidhagax. Hadii dastuurka la dhowrayo iyo sharciyada dalka u yaala gaar ahaan qodabka 36aad ee Dastuurka iyo qodobka 11aad ee xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed, Farmaajo maanta dalka Madaxweyne kama ahaadeen”.

Hadalka siyaasiga aya imanaya iyado madaxweyne Axmed Madobe uu booqasho ugu tagay Qalbi Dhagax oo ku xiran xabsi ku yaala Adis ababa,xili ay Kheyre iyo Farmaajo oo lagu daray Sanbaloolshe ay u dhiibeyn Dalka Itoobiya.