“COVID-19” Masiibadii Xasan Kheyre ka Macaashay!

Reading Time: 2 minutes

Mashruucii la-tacaalidda Covid-19 wuxuu ahaa howlgalkii ugu cuslaa ee Maamulka Farmaajo uu qabto. Waxaa maareynta howlgalkaan u xilsaarnayd Xukuumaddii RW Kheyre.

Sida lagu sheegay warbixin dabagal ah oo November 2021 ka soo baxday Xafiiska Hanti-dhowrka Guud, lacagta Mashruucaan soo gashay waxay gaareysay 51, 241,164.00 (Konton iyo Kow Milyan, Laba Boqol Afartan iyo Kow Kun, Boqol Lixdan iyo Afar Dollar). Waa lacag ka kala timid Hay’adaha Caalamiga ah ee caawiya Soomaaliya sida World Bank, African Development Bank iyo European Union.

Dabagalka uu Hanti-dhowrku sameeyay waxa uu ku soo ogaaday in ay jirto lacag ku dhaw 4 Malyan oo Doollar oo la waayay meel ay ka baxday, wax xisaabcelin ahna aanan laga keenin.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu xusay in ay jireen qandaraasyo ku kacayay ku dhawaad 120 Malyan oo Dollar oo ay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadku saxiixeen iyagoo aanan marin hannaan sharci ah, sida in ay qandaraasyadaas ka diiwaangeliyaan Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka.

Baaristaan waxaa lagu soo helay macluumaad sheegaya in si kastoo lacagtaas tirada badan loogu qoondeeyay La-tacaalidda Covid-19, haddana lagu fashilmay inta badan wixii loo baahnaa si mashruucu u guuleysto, sida: in aanan la sameyn qorshe ballaaran oo kala qeexaya mas’uuliyadaha Hay’adaha Dawladda ee qaabilsanaa shaqadaan— taas oo keentay isku-dhex-yaac iyo wax-isdaba-marin, in aanan la soo iibsan agabkii muhiimka ahaa si loola tacaalo cudurka, in aanan la hirgelin hannaankii Raad-raaca Xiriirrada Kiisaska (Contact Tracing Mechanisms) iyo adeegyadii Karantiilka bukaannada, iyo weliba in aanan la dhisin Xarunta Heer Qaran ee Howlgalka Xaaladaha Degdegga (National Public Health Emergency Operation Centre).

COVID-19 wuxuu dalka iyo dadkaba u ahaa musiibo qaran, halka uu shakhsiyaad ku dhawaa xafiiska Raysalwasaaraha uu u noqday macaash ay hanti gaar ah ka meel-dhigteen.

Ugu dambeyntii inkastoo ay qeyb yar ka tahay warbixintaan fooxumada dhacday haddana Waxaa jira laba qodob oo muhiim ah oo ay umadda Somaliyeed ka dharagsan tahay kuwaas oo muujinaya macaashka weyn ee uu Xasan Kheyre ka sameeyey Masiibada Covid, dad banana ay ku naf waayeen:

  1. In Afxerka  (Face Mask) oo loo keenay inay lagu xakameyo faafidda Cudurka ay kooxdii Xasan Kheyre ka iibiyeen Faramashiyayaasha gaarka loo leeyahay, kana faa’iideen lacag aad u badan oo tan uu amanta damacsan yahay inuu Kheyre cododka ku iibsado.
  2. In ogsinjiinta lagu soo iibiyey lacagtaas kalmada ah ah looga iibinayey dadka lacag dhan $2000 (Laba Kun oo Dollar), wanna halka ay shacbiga masaakiinta ah ku baaba’een. Waayo dad yar ayaa iibsan karayey.

Hadaba Xildhibaanow maanat ninkaas, waa Kheyre,  ayaa ku leh waxaan rabaa inaan dalkaan markale si fiican oo aan xor u ahay dhaco oo aan hantidiisa sida shidaalka iwm ka iibiyo shirkado Shisheeye ee ii awoodsiiya afar sano adigana ku ballan fur dhaarti Iyo shacbiga kugu aaminay kutubka dariis.