Kulan si Rasmi ah, uga Qabsoomay Deegaanka Harraale, ayna kasoo Qeyb galeen, Masuuliyiin Kasocda Maamulka Dowlad Deegaanka sida mid ka mid ah Lataliyaasha sare ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cagjar, Gudoomiyaha Gobolka Qoraxeey, Gudoomiyaha Degmada Shilaabo, Saraakiiil Ciidan oo iskugu jira Heer Federalka Itoobiya iyo Heer Dowlad Deegaan.
Dhanka kale waxaa Goobta ku Sugnaay, Odayaasha Dhaqanka labada Beelood uu ka mid yahay Ugaas Xasan, Ugaas Max,ed, Maamulada Degmooyinka Balanbale iyo Guriceel, Culima Owdiin, iyo Saraakiil Ciidan sida kuwa Dowlada Galmudug iyo Dowlada Federalka Somaliya.
Shirka oo qaatay Saacado dhowr ah, ayaa ugu Dambeyn, labada Beelood waxa ay saxiixeen, Warqada Dhaqangalinta Xabad joojinta, oo Beel kaste laga Saxiixay Toban(10) Oday Dhaqameed, sidoo kale, waxaa Heshiiska Hordhaca ah Saxiixay Saraakiisha Aminga Labada Dowladood iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Guriceel iyo Balanbale.
Qodobada Heshiiska Xabad joojinta ah, oo ay dhinacyada laba Beelood wada Saxiixeen waxaa ka mid ah:-
1- Cid kaste oo ku xadgudubta Xabad joojinta lagaaray, Shaqsi ama Wadar uga qeyb qaata, isla markaasne geysta Dhimasho iyo Dhaawac, waa in Odayaasha Heshiiska Saxiixay iyo Beesha ay Gacanta usoo galiyaan Dowlada Muddo 10 Casho gudahoodah, iyaga iyo Hubkii Falka lagu Geystayba.
2-Hadii lagu keeni waayo Mudadaasi kor ku xusan, waa in Hay,adaha Amniga iyo Odayaasha Beesha Falka Geysatay, ay la wareegaan, qabtaan, Ehelada Dambiilayaasha iyo Hantidoodaba.