Colaadii beelaha dega Sool oo heshiis wadajira laga gaaray

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maantay Deegaanka Harwanaag ee Gobalka Sool lagu qabtay shirka Nabadeynta Beelaha Walaalaha ay dirirtu ku dhaxmartay deegaannada Saax-Meygaag iyo Sanga Jabiye.

Xabad joojinta la dhex dhigay labadaan beelood oo walaalaha ah waxaa hor kacayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash iyo Wefdi uu hooggaaminayay oo ku sugnaa waayadaan.

Shirka waxaa goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland, Xubno ka mid ah labada gole ee Puntland, Odayaasha dhaqanka, Guddoomiyaasha Gobalka Nugaal & Sool, Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal, Waxgarad, Aqoonyahano, Sarakiisha Ciidmada,Ururada Haweenka labada dhinac iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Shirka oo socday saacao badan ayaa la’iskula afgartay  qodobadaan:

  1. In lagu dhawaaqo Xabbad joojin.
  2. In Ciidamada Beelaha ee Dagaalamay laga qaado Deegaanada Saax-maygaag iyo Sanga Jabiye.
  3. In Ciidamo Dowladeed la geeyo Deegaanada Shaqaaqadu ka dhacday.
  4. In la Magacaabo Guddi Xal waara ka keena arimaha keenay Shaqaaqooyinka Deegaanadaas.
  5. In lagu Xukumo 200 oo Halaad oo aan wakhti lahayn ciddii Jabisa Xabad joojinta.

Ugu dambeen Qaar ka mid ah Odayaash dhaqanka oo madasha kahadlay ayaa isla qaatay in xabad joojin waarta la qaato.

Xabad joojintaan  ayaa ku soo aadaysa xilli ay marar badan soo laalaabtay dagaallada u dhaxeeya beelaha wadadaga gobolka Sool.