Col. Xaadoole Hogaamiyihii Ciidanka Badbaado Qaran oo Dagaalka Shabaab ku Soo Bray.

Reading Time: 2 minutes

Iyadoo dowladda oo dhan ay isu diyaarineyso  dagaalka shabaab dalka oo dhan oo looga xoreynayo ayaa waxaa haddana jira in beelaha Somaliyeed ay cid waliba isu abaabuleyso sidii ay isu abaabuli karto si cadowga ay uga qabtaan degaankooda.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamadamo si fiican uu hubkooda iyo niyadooda u sarreyso oo ay horkacayaan Xildhibaan  Col. Xaadoole, Maxamed Cajiib iyo Maxamuud Abuukaate ay xalay saldhigteen degmada Cadale, iyagoo wada dagaal xoog leh oo lagu qaado kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamadan hoggaamineysa ayaa dhankooda sheegay in degaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab uu yahay hadafkooda koowaad ee dagaalka, iyagoo tilmaamay iney dib u soo laabaneynin ilaa ay ka tagaan degmada Aadan Yabaale oo ah saldhigga ugu weyn Shabaab ee gobolka Sh.Dhexe.

Xogaha ayaa intaasi ku sii daraya in Aadan Yabaal ay Shabaab ugu yaalaan xarumo caafimaad oo waaweyn iyadoo lagu dabiibay dhallinyarada la khalday kuwooda weli ay wax ku dambeeyaan si markale dabka loogu shido kuwaas oo lagu siray is hortaagga CXDS, lana kulmay  jab xooggan oo lagu gaarsiiyay dagaalkii ka dhacay gobolka Hiiraan, waana goobta ay ka abaabulaan qaraxyada iyo dilalka ay ka geystaan Hirshabelle. Waa dhab inay adag tahay inay ciyaal la soo siray ay hor istaagi karaan Shacabka nacay iyo ciidamada XDS oo lagu yaqaanno sooma jeestanimo weyn.

Haddaba reeraha weli caruurtooda xiriirka la leh haka reebtaan inay goori goor tahay waayo madaxda shabaab waxay halaajiyaan waa dhallinyarada, weilna hadda ayey ugu daran tahay oo xanuunka uu madaxda soo gaaray, marka lagama yaabo inay ka naxaan caruurta u afduuban maadaama iyaga hadda dhimashada saameysay.

Janno laguma galo dhiig qof aadane ah oo xaq darro lagu daadiyo iyo diinta oo laga dhigto hub muslimiinta lagu laayoi tuulooyimka lagu gubo, ceelashana lagu duugo.

Shabaab waa loo yabaa haddiiba uu dagaalka ku soo biiray Col. Cisman Xaadoole oo ay Balcad isku barteen shabaabka intuu gudoomiyaha ka ahaa, kaas oo yaqaanna raadkooda ruuxooda iska dhaafe.

Col. Xaadoole ugu ma horreyso naf hurnimo dagaalkan ee waxaa uu weligiis u taagnaa badbaadinta umadda Somaliyeed, degaanka Balcad ee uu ka soo jeedo waa ninkii ka ilaaliyey inay Shabaab saldhig ay Xamar uga duusho ka dhigato, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii ciidan Badbaado qaran ee dadlka ka samata bixiyey inuu mar kale galo dagaal sokeeye. Gen. Farxaan waa kii ku shahiiday badbaadinta ummadiisa, waana dhacdo ku dayasho mudan, waxaana leenahay Rabbi ha xafido ragga u guntaday inay shabaab dadkooda ka dulqaadaan taarkkihda ayaana idin xusi doonta nolol iyo geeri middii aad ku sugnaataanba.