Col. Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caarre), isla markaana hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ayaa Garoowe markale kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland, xilli uu isaga horay uga tirsanaan jiray saraakiishooda.
Shir Jar’iid uu ku qabtay Magalada Garoowe ayuu ku sheegay in isaga oo garab ka helaya Maamulka Puntland uu dagaal xoogan ku qaadi doono deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo Soomaaliland dhawaan ciidamo geysay,waxaana uu sigaar ah u sheegay magaalada Ceerigaabo.
Isaga oo sii hadyay ayuu sidoo kale sheegay in dhawaan uu gacanta ku dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland, hayeeshee u kusii daayay ehelnimo isaga oo ka jawaabayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliland oo dhawaan sheegay in Col. Caarre lasoo qaban doono.
Col. Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caarre ayaa horay uga mid ahaa saraakiisha sar sare ee Ciidamada Soomaaliland, hayeeshee isaga soo baxay, isaga oo ku dhawaaqay jabhad la magac baxday dib u xureynta Soomaaliland.